Shalay waxay u aheyd dadka american-ka ah maalin kale
oo ay sagootiyeen kumanaan kamid ah ehelkooda sababa laxiriira caabuqa Covid19
oo wadanka si xowlli ah ugusii faafaya.
gelinkii dambe ee maalintuu Arbacada ayuu
Mareykanku diiwaan geliyey dhimashada in
kabadan 2,400 oo qof kuwaas oo u dhintey virus-ka corona ee sida ay sheegeen
saraakiisha caafimaadka waana tiradii ugu badneyd ee maalin qura uu cudurku
dilo in ka badan lix bilood sida lagu sheegay xog ay daabacday Jaamacadda Johns
Hopkins.
Xogta jaamacadda oo loo wax ku dhisatay tixraaca bukaanada iyo dhimashada ka dhalatay
cudurka Covid-19 ayaa muujisay in inta u
dhaxeysa 20:30 fiidnimadii Talaadada iyo 20:30 fiidkii Arbacada Mareykanka uu diiwaan geliyay 2,439 dhimasho
ah iyo bukaanno cusub oo gaaraya 200
kun.
Tani waa maalintii labaad oo isku xigta oo tirada
dhimashada ee Covid-19 ee Mareykanka ay kor u dhaaftay laba kun, Markii ugu
dambeysay ee tirada dhimashada maalin kasta ay dhaafto 2,400 oo kiis ayaa ahayd
bishii Maarso, xilligaas oo i masiibada ku dhacday Mareykanka ay mareysay
meeshii ugu sarreysay.
Mareykanka oo dhowr toddobaad ka hor laga dareemay
koror cusub oo faafa, waa waddanka kaalinta koowaad uga jira dhimashada ugu
badan ee caabuqa Carona uu ka geystay caalami ahaan tiradaasina waxay gaartay
262,080 dhimasho ah.
Mareykanka sidoo kale waa dalka ugu horeeya adduunka
marka la eego tirada dadka uu ku dhacay viruska maadaama tirada la xaqiijiyay
ee cudurka loo yaqaan 'Covid-19' ay ka badantahay 12.7 milyan oo kiis, taas oo ku dhow shan
meelood wadarta tirada guud ee kiisaska caabuqan halista ah ee laga diiwaan geliyay adduunka tan iyo markii
uu soo ifbaxay Carona dabayaaqadii sanaddii 2019 xiligaas oo uu shiinaha kasoo
bilaawday.
Natiijadani waxay timid xilli murun siyaasadeed oo ka
dhashay doorashooyinkii mareykanka ay wadanka ka taaganyihiin islamarkaana
malaayiin ruux oo kamid ah taageerayaasha Trump ay iska diideen in ay u
hoggaansamaan awaamiirta kala fogaanshiyaha si Carona looga feejignaado.
Joe Biden oo ah madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa ballan qaaday in uu waxbadan ka qaban doono faafinta cudurka Carona isagoo dadka faray in ay guryahooda ku ekaadaan inta ay aafadani kusii faafayso dhammaan magaalooyinka
2400 qof American ah oo maalin gudaheed udhintay cudurka Carona Virus.
Cudurka Carona Virus ayaa shalay halaaggii ugu badnaa ka geystay dalka Mareykanka muddo sedax bilood gudahood ah, waxaa lasoo sheegayaa in kumanaan kun ay shalay ku dhinteen gobollada kala duwan ee wadankaas halka uu soo ritay dad ka badan boqol kun