Dowladda Itoobiya oo dagaalkii ugu dambeeyay ku iclaamisay qowmiyadda Tigreega.

Thursday November 26, 2020 - 13:22:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo dagaalkii ugu dambeeyay ku iclaamisay qowmiyadda Tigreega.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku dhawaaqday howlgal cusub oo ka dhan ah qowmiyadda Tigreega ee degta waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku dhawaaqday howlgal cusub oo ka dhan ah qowmiyadda Tigreega ee degta waqooyiga wadankaasi.


Abiy Axmed ayaa magaalada Addis Ababa uga dhawaaqay in uu bilaawday wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka dhanka ah jabhadda TPLF wuxuuna howlgalkan ugu magac daray "Fulinta Qaanuunka gobolka Tigray'.

Dowladda Itoobiya waxay amar kusiisay ciidamadeeda melleteriga in weeraro cirka iyo dhulka ah ka bilaabaan magaalada Maqalla ee caasimadda u ah dowlad goboleedka.

R/wasaaraha Itoobiya oo isku dayaye in uu iska leexiyo culaysyada siyaasadeed ee uga imaanaya caalamka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ilaalin doonaan xuquuqul insaanka.


ku dhawaaqista howlgalkan melleteri ayaa imaanaya saacado kadib markii ay soo idlaatay mudadii 72-ka saacadood aheyd ee loo qabtay in ay isdhiibaan hoggaamiyaasha iyo maleeshiyaadka Jabhadda TPLF.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items