Michael Goodboe oo 54 sana jir ahaa islamarkaana hore
uga mid ahaa ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan Navy SEAL ayaa la xaqiijiyay in
lagu dilay weerar horraantii bishan Novembar ka dhacay duleedka magaalada
Muqdisho.
Sida warbixinadu sheegayaan Michael Goodboe ayay CIA-du
udirtay dalka Soomaaliya si uu usoo fuliyo weeraro ka dhan ah Shabaabul
Mujaahidiin balse Jaxiimo ayaa loo diray isagoo aan gaarin hadafkiisa.
Saraakiisha sirdoonka Mareykanka waxay sheegeen in
Michael Goodboe uu ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee lagu dilo dalka Soomaaliya
tan sanaddii 1993-dii xiligaas oo askar iyo saraakiil American ah lagu dilay
dagaalkii ku caanbaxay magaca "Black Hawk Down".
Sarkaalkan American-ka oo dhimashadiisa la shaaciyay
dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay ayaa larumeysanyahay in lagu dilay weerar
istish-haadi ah oo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fulisay deegaanka
Gandershe ee Sh/hoose xilligaas oo ciidamo American ah ay deegaanka ku tageen
weerar habeen dheelmad ah.
Dhinaca kale sii haya xilka wasiirka difaaca Mareykanka
ayaa booqasho dhuumasho ah ku tagay magaalada Muqdisho.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka
qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in Christopher Miller uu garoonka diyaaradaha
Muqdisho kula kulmay askarta iyo saraakiisha American-ka ah ee halkaas ku
sugan.
Socdaalka wasiirka difaaca Mareykanka ayaa imaanaya
xilli Donald Trump uu qorshaynayo in dhammaan ciidamadiisa oo gaaraya 700 oo
askari uu kala baxo Soomaaliya.
Heybta Sarkaalkii CIA-da ee Soomaaliya lagu dilay oo la helay iyo Christopher Miller oo Muqdisho yimid.
Warbaahinta Mareykanka ayaa daaha ka fayday heybta sarkaal sare oo katirsanaa CIA-da kaasi oo isbuucii lasoo dhaafay udhintay dhaawac kasoo gaaray weerar Al Shabaab ay ka fulisay Sh/hoose.