Wararka ka imaanaya Eereteriya ayaa sheegaya in xalay
fiidkii sawaariikh casri ah lagu beegsaday bartilmaameedyo kuyaal magaalooyin
ay kamid tahay caasimadda Asmara.
diblumaasiyiin reer galbeed ah oo ku sugan Eereteriya
ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan oo ka dhashay sawaariikh lasoo riday laga
maqlay magaalooyinka Asmara iyo Daqamxari balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Sawaariikhdan oo ah kuwa ridada fog ayaa
larumeysanyahay in jabhadda TPLF ay kasoo ridday deegaannada ku dhow xuduudda ay labada dal wadaagaan halkaas oo ay ka socdaan dagaallo aad uculus.
Dhinaca kale iska hor'imaadyo aad uculus ayaa lagasoo
sheegayaa galbeedka iyo waqooyiga gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga itoobiya,
Jabhadda Tigreega waxay sheegtay in ciidamadoodu ay dib ula wareegeen dhowr
degmo oo katirsan gobolka Raayah ayna cagta mariyeen gaasas katirsanaa
ciidamada dowladda xabashida Itoobiya.
Hoggaanka TPLF ayaa beeniyay sheegashooyin isdabajoog
ah oo ka imaanayay xukuumadda Abiy Axmed oo aheyd in ciidamadoodu ay
hareereeyeen magaalada Maqalla ee caasimadda u ah ismaamul goboleedka Tigeerga.
R/wasaaraha Itoobiya oo shalay magaalada Addis Ababa ku
qaabilay wafdi ka socday Ururka Midowga Afrika ayaa ku goodiyay in ay so
afjarayaan howlgalka loogu magacdaray fulinta qaanuunka Gobolka Tigray
islamarkaana lasoo qabqaban doono hoggaamiyaasha TPLF.
Isagoo umuuqday in uu wali madax adaygayo ayuu waxa
loogu yeero beesha caalamka ugu baaqay in aysan wax faragelin ah kusoo sameyn
dalkiisa islamarkaana dowladda Itoobiya ay awooddo soo afjaridda wax uugu
yeeray caasi garoowga waqooyiga.
Xukuumadda Addis Ababa oo iska dhaadhicisay in waqti
kooban ay kusoo afjari karto dagaalka gobolka Tigray ayuu waqtigu kusii
dheeraanayaa walina waxaa si carcar leh udagaallamaya maleeshiyaadka TPLF.
Jabhadda Xoreynta shacabka Tigray waxay ku dhawaaqday
in ay iska caabisay weerarro kaga yimid ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya oo
dhinacyo badan ka dhacay, waxayna ugu baaqday
shacabka gobolka in ay hubka qaataan si ay isku difaacaan.
Hoggaamiyaal ka hadlay warbaahinta waxay sheegeen in
dadka Tigreega ay geeri ka doorteen in ay isku dhiibaan amxaarada iyo Abiy
Axmed.
Saraakiil melleteri ayaa sheegay in maleeshiyaadka
Tigreega ay dhufeysyo ka qodanayaan daafaha magaalada caasimadda ah ee
Maqalla waxayna ballan qaadeen in ay
dagaalka sii wadayaan illaa ay ka dhimanayaan ama ay guul kasoo hoynayaan . Mid kamid ah hogaamiyayaasheeda ayaa beeniyay
in caasimadooda lagu hareeraysanyahay.
Afhayeenka Jabhadda TPLF Getachew Rida ayaa ku dhawaaqay in
ciidamadoodu ay burburiyeen guuto katisan ciidamada xabashida ayna gacanta ku
dhigeen saanado hub ah oo muhiim u ahaa
melleteriga Itoobiya wuxuu ku goodiyay in ay cagta marin doonaan ciidamada kale
haddii ay sii wadaan hujuunka ka dhanka ah Tigreega.
Khubarada melleteriga waxay sheegayaan in ciidamada
Tigreegu ay haysteen agab milatari oo aad u tiro badan ayna gaarayeen
250,000 oo xubnood waxayna intaas ku dareen in gobolku leeyahay taariikh dheer
oo iska caabin hubaysan, qowmiyadda Tigreega ayaa dagaallo adag lasoo gashay
boqortooyooyinkii Itoobiya soo maamulayay boqolkii sano ee lasoo dhaafay
dhammaantoodna waxaa hoggaaminaysay qowmiyadda amxaarada.
Jabhadda Tigray oo duqeymo cusub ku qaadday dalka Ereteriya iyo wararkii ugu dambeeyay ee Itoobiya.
Maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega ayaa markale weeraro sawaariikh ah ku qaaday dhowr magaalo oo katirsan wadanka Ereteriya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.