Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo isku day dil ka babaaday kadib qarax lagu beegsaday.

Saturday November 28, 2020 - 10:12:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo isku day dil ka babaaday kadib qarax lagu beegsaday.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo maanta barqadii ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo maanta barqadii ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.


Mas'uul katirsan dowladda Federaalka ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa kadib markii qarax culus lagu beegsaday gaari uu watay.

Qaraxa oo ka dhacay degmada Cabdi Casiis ee bariga magaalada Muqdisho waxaa lagu beegsaday Maareeyaha marsada caalamiga ah ninka lagu magacaabo Axmed Washington.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Maareeyaha labeegsaday uu si dirqi ah ku badbaaday balse ay qaraxa ku dhinteen 2 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.


Mas'uulka dilka ka badbaaday ayay si aad ah isugu dhowyihiin Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka, xalay ayay aheyd markii qarax ka dhacay goob ammaankeeda loo ilaaliyo ay ku dhinteen saraakiil dowladda katirsan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa umuuqda mid faraha kasii baxaya waxayna weerarada jihaadiyiintu ka dhacayaan xayndaabka ay ku xoogganyihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items