Iska hor'imaadyo iyo dibad baxyo rabshada wata oo ka dhacay magaalada Beledweyne.

Saturday November 28, 2020 - 07:37:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaadyo iyo dibad baxyo rabshada wata oo ka dhacay magaalada Beledweyne.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya magaalada Beled Weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya magaalada Beled Weyne.


Iska hor'imaadyada oo udhaxeeya Maleeshiyaad daacad u ah sarkaal fallaagoobay iyo ciidamada maamulka Hirshabelle ay ka dhaceen deegaanka Ceelgaal.

Saaka aroortii hore ayaa rasaas culus laga maqlayay Ceelgaal, ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo xalay ka amba baxay magaalada Beledweyne ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan maleeshiyaadka daacadda u ah Jeneraal Xuud oo si aad ah ugasoo horjeedo maamulka Cali Guudlaawe.


Dhinaca kale dibad baxyo rabshado wata ayaa ka socda xaafadaha dhaca dacalka bari ee magaalada Beled weyne, boqolaal qof oo iskusoo baxyo dhigay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo lahadlay dadka isugusoo baxay ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin maamulka uu madaxda ka yahay Cali Guudlaawe waxayna ku baaqeen in ladhiso maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Hiiraan kana madax banaan midka uu fadhigiisu yahay Jowhar.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items