Askar katirsan dowladda oo lagu dilay deegaanka Weydoow.

Sunday November 29, 2020 - 09:00:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar katirsan dowladda oo lagu dilay deegaanka Weydoow.

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar hubaysan oo ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar hubaysan oo ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Rag hubaysan ayaa xalay fiidkii deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho ku dilay askar katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ee shisheeyaha la shaqeeya.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in rag bastoolado ku hubaysan ay toogteen laba askari kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen, goordambe ayaa meydadka ciidamada ladilay goobta laga qaaday.

Dhinaca kale weerar Bambaano ayaa xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmada Xamarweyn ee gudaha Muqdisho, jugta qarax xooggan ayaa mar qura saldhigga laga maqlay waxaana jira khasaare soo gaaray ciidamada booliska ee ilaalada ka haya saldhigga.


Goobta uu weerarku ka dhacay waxaa aad ugu xooggan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items