Jabhadda TPLF oo duqeymo cusub ka geysatay magaalada Asmara.

Sunday November 29, 2020 - 09:27:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadda TPLF oo duqeymo cusub ka geysatay magaalada Asmara.

    Wararka ka imaanaya wadanka Eereteriya ayaa sheegaya in markale weerar sawaariikh ah lagu qaaday magaalada caasimadda u ah wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Eereteriya ayaa sheegaya in markale weerar sawaariikh ah lagu qaaday magaalada caasimadda u ah wadankaasi.


Maleeshiyaadka Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa duqeymo culus ugeystay magaalada Asmara, diblumaasiyiin ku sugan Ereteriya waxay sheegeen in xalay fiidkii ay malqeen dhawaqa ilaa Afar qarax oo ka dhashay sawaariikh magaalada kusoo dhacday.

Wakaaladaha wararka ayaa ku warramay in sawaariikh kale lala helay magaalo dhacda xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Ereteriya, isku goyn sawaariikhdii xalay lagu weeraray dalka Ereteriya ayaa gaarayay lix waxaana lagu eedaynayaa in ay mas'uul ka tahay Jabhadda TPLF ee shalay laga qabsaday magaalada Maqalla.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items