Mas'uul katirsanaa maamulka Hirshabelle oo lagu dilay gobolka Hiiraan.

Sunday November 29, 2020 - 09:43:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa maamulka Hirshabelle oo lagu dilay gobolka Hiiraan.

    Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Jalalaqsi xoogag hubaysan ayaa halkaas ku dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka gobolka Hiiraan uqaabilsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Jalalaqsi xoogag hubaysan ayaa halkaas ku dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka gobolka Hiiraan uqaabilsan dowladda Federaalka.


Rag hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe gudaha degmada Jalalaqsi ku dilay nin lagu magacaabi jiray Max'med Xuseen Barbar oo ahaa xoghayihii guddoomiyaha degmada.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay mas'uul ka ahaayeen weerarkii lagu dilay xoghayihii guddoomiyaha degmada Jalalaqsi.

Bishan gudaheeda ayaa sidaan oo kale askar katirsan maamulka Hirshabelle loogu dilay deegaan kaabiga ku haya Jalalaqsi oo kamid ah magaalooyinka kujira gacanta ciidamada shisheeye.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items