Maamullada 'Puntland' iyo 'Jubbaland' oo mucaaraday guddiga doorashooyinka ee dowladda Farmaajo.

Sunday November 29, 2020 - 16:41:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamullada 'Puntland' iyo 'Jubbaland' oo mucaaraday guddiga doorashooyinka ee dowladda Farmaajo.

    Waxaa sii xoogeysanaya diidamada laga muujinayo guddigii doorasho ee dhowaan ay magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeysanaya diidamada laga muujinayo guddigii doorasho ee dhowaan ay magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya.


Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka ay DF umaamulayso doorashooyinka laqorsheeyay in ay Soomaaliya ka dhacaan sanadda 2021-ka.

Saciid Cabdullaahi Deni hoggaamiya maamulka 'Puntland' oo magaalada Garowe kulan kula qaatay wafdi ka socday waxa loogu yeero beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay waxa socda.

Wuxuu sheegay in hanaanka dowladda Farmaajo  wax uwadday ay baalmarsanyihiin qodobadii hore loogu heshiiyay wuxuuna ugu baaqay Q.Midoobay iyo dhinacyada kale in ay arrinta soo farageliyaan.


Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ka sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin ka qeybgalka doorasho u afduuban Dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaha 'Jubbaland' ayaa ayiday bayaankii midowga Musharixiinta ee ahaa in xal rasmi ah laga gaaro guddiga doorashooyinka, diidmadan katimid dhinacyada awoodda ku leh waxa loogu yeero Federaalka Soomaaliya ayaa waji gabax hor leh ku ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ku eedaysan in ay milkiyeen nidaamka Villa Somalia ka jira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items