Weerar Sarkaal ciidan lagu dilay oo ka dhacay duleedka degmada Cadale.

Sunday November 29, 2020 - 17:05:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Sarkaal ciidan lagu dilay oo ka dhacay duleedka degmada Cadale.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Cadale ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo ciidamada Wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ay ka fuliyeen deegaanka Xaaji Cali uu sababay dhimashada sarkaal ciidan.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Salaad Dalabeey islamarkaana ladhaawacay laba askari oo ilaala u ahaa.

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan kuwa Xisbada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ayaa maalimihii lasoo dhaafay howlgallo burcad sifayn ah ka fulinayay wadada xiriirisa deegaannada Towfiiq iyo Xaaji Cali.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items