Ciidamada Al Shabaab oo dagaal culus kula wareegay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Monday November 30, 2020 - 06:21:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo dagaal culus kula wareegay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore weerar culus uu ka dhacay deegaan ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka maamulka 'Galmudug'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore weerar culus uu ka dhacay deegaan ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka maamulka 'Galmudug'.


Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Bacaadweyn.

Warar hordhac ah oo SomaliMeMo ay ka heshay goobta dagaalka ayaa xaqiijinaya in Jihaadiyiinta weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka iyo dhammaan wixii hub ahaa ee yiillay gudaha saldhigga Bacaad weyn.


illaa 5 gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa ugacan galay Shabaabul Mujaahidiin, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in gaadiidka lala wareegay ay kamid yihiin Laba Zuug, laba Cabdi Bile oo dhashiike saaranyahay iyo gaari kale oo uu ku rakibanyahay qoriga B10-ka loo yaqaan.

Khasaare aad uxooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalkii aadka ucuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Bacaadweyn oo ay deganaayeen ciidamo katirsan guutada 21aad.

wixii faah faahin ee ku saabsan dagaalka Bacaadweyn dib ayaan kasoo sheegi doonaa Insha'Allaah

Related Items