Dowladda Farmaajo oo cayrisay safiirkii Kenya ufadhiyay magaalada Muqdisho.

Monday November 30, 2020 - 06:05:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Farmaajo oo cayrisay safiirkii Kenya ufadhiyay magaalada Muqdisho.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la eryay safiirkii Kenya ufadhiyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la eryay safiirkii Kenya ufadhiyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Farmaajo ayaa sheegtay in ay uyeeratay Maxamuud Nuur Tarzan oo ah safiirkii ufadhiyay magaalada Nairobi islamarkaana la eryay safiirkii Kenya ee Soomaaliya.

Dowladda Farmaajo ayaa Kenya ku eedaysay in ay faragelin siyaasadeed oo aad udaran ku hayso maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.


Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda DF ayaa Kenya ku tuhmay in ay Axmed Madoobe ku cadaadinayso in uu qaadaco doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa baarlamaan ee dhowaan dhici doona.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa aaminsan in tallaabada uu Farmaajo ku eryay safiirka Kenya uu yahay qorshe uu isaga qaboojinayo cadaadiska siyaasadeed ee kasoo wajahaya musharixiinta madaxweynanino.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho




Related Items