Sawirro: Jabhadda Tigreega oo dhulka soo dhigtay diyaarad ay laheed dowladda Itoobiya.

Monday November 30, 2020 - 06:15:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Jabhadda Tigreega oo dhulka soo dhigtay diyaarad ay laheed dowladda Itoobiya.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay inta badan jabhadaha dagaalka ee waqooyiga wadanka Itoobiya maalin kadib markii ay ciidamada Xabashida ku dhawaaqeen qabsashada magaalada Maqalla ee caasimadda u aheyd ismaamul goboleedka Tigray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay inta badan jabhadaha dagaalka ee waqooyiga wadanka Itoobiya maalin kadib markii ay ciidamada Xabashida ku dhawaaqeen qabsashada magaalada Maqalla ee caasimadda u aheyd ismaamul goboleedka Tigray.


Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Jabhadda xureynta shacabiga Tigree ay si buuxda ulawareegeen gacan ku haynta magaalada Aksum oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka.

Afhayeen uhadlay Jabhadda TPLF ayaa muuqaal Video ah ku sheegay in ciidamadoodu ay dagaal culus kadib lawareegeen magaalada ayna dhabarka jebiyeen ciidamadoii dowladda.



Sarkaalkan oo hadlayay wuxuu sheegay in ay ka adkaadeen ciidamada qowmiyadda Amxaarada, wararka ayaa intaas ku daraya in kooxaha mucaaradka ay gubeen gaadiid gaashaaman iyo keydad hub ah oo ay lahaayeen ciidamada Abiy Axmed.

Dhinaca kale diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada cirka Itoobiya ayaa lagusoo riday duleedka magaalada Aksum, warbaahinta rasmiga ah ee Jabhadda qowmiyadda Tigreega ayaa soo bandhigtay muuqaalka burburka diyaaradda ay soo rideen in duuliyihii diyaaradda oo ay gacanta ku hayaan isagoo nool.

Duuliyaha diyaaradda lasoo riday wuxuu ahaa sarkaal katirsanaa ciidamada cirka Itoobiya, Males Zenaawi R/wasaarihii halaagsamay ee Xabashida Itoobiya ayaa horay usiiyay garaadooyin uu ku mutaystay xirfadiisa wadidda diyaaradaha dagaalka.

Duuliyahan oo lagu magacaabo AbyAdi Temben ayaa kaxaynayay diyaarad nuuceedu yahay Mig23 waxayna maleeshiyaadka Tigreega sheegeen in uu geystay dambiya dagaal uuna xasuuqa dad shacab ah.








Related Items