Taliban oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar 30 Askari lagu dilay.

Monday November 30, 2020 - 10:23:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taliban oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar 30 Askari lagu dilay.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar aad uculus oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada melleteri ee ugu weyn wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar aad uculus oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada melleteri ee ugu weyn wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya gobolka Gazani ee dhaca bariga wadankaas ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 askari oo katirsan ciidamada ammaanka xukuumadda Kaabul ay dhinteen tobanaan kalane dhaawacyo soo gaareen kadib markii gaari miinaysan lagu weeraray saldhig boolis.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Afghanistan ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 30 askari looga dilay weerarka oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.


Maamulaha isbitaalka Ghazni ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in gudaha isbitaalka lasoo gaarsiiyay meydadka 30 askari iyo dhaawacyada 24 kale oo dhammaantood ahaa ciidamada ammaanka.

Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa lasoo degdegtay sheegashada mas'uuliyadda weerarkan, bayaan kasoo baxay Sheekh Daabixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka Taliban ayaa lagu sheegay in weerarka uu fuliyay dagaalyahan naftiis hure ah kaasi oo kaxaynayay gaari gaashaaman.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items