Qarax 14 Askari Kenyaan ah ay ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Mandheera.

Monday November 30, 2020 - 13:41:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax 14 Askari Kenyaan ah ay ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Mandheera.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Kenya kasoo gaaray weerar cusub oo ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Kenya kasoo gaaray weerar cusub oo ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.


Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo katirsan Booliska Kenya waxaana qaraxaas ka dhashay khasaara aad uxooggan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 Askari ay ku dhinteen qaraxa halka ay dhaawacyo soo gaareen 6 askari, qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ayaa ka dhacay deegaanka Lafeey oo katirsan gobolka Mandheera ee NFD.


Rono Bunei oo ah taliyaha ciidanka Kenya ee gobolka (Waqooyi Bari) NFD ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in qarax lagu beegsaday gaari ay la socdeen ciidankooda balse wuxuu khasaaraha dhankooda gaaray ayuu aad uyareeyay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ka dhacay deegaanka Lafeey sida ay baahisay idaacadda islaamiga Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items