Al Shabaab oo sheegay in 53 Askari ay ku dileen dagaalkii Bacaad weyn [Warbixin].

Monday November 30, 2020 - 19:27:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 2
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegay in 53 Askari ay ku dileen dagaalkii Bacaad weyn [Warbixin].

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan Al Shabaab oo Hiiraan ku sugan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Dagaalka oo soo billaawday saaka aroortii hore ayaa soo gaaray maanta gelinkii dambe waxaana jira khasaara aad uxooggan oo ciidamada maamulka Galmudug kasoo gaaray dagaalkaasi.

Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta gelinkii dambe uu ka qarxay meel 2Km ujirta deegaanka kadib markii ay ciidamo gurmad ahaan uga yimid Hobyo ay isku dayeen in ay dabagalaan gaadiid dagaalkii saaka looga qabsay.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay ugu yaraan 53 askari islamarkaana 6 gaari laga qabsaday maleeshiyaadka maamulka Galmudug "Howlgalladii ay ciidamada Mujaahidiinta maanta ka fuliyeen deegaanka Bacaadweyn ee wilaayada Mudug waxaa murtadiinta looga dilay 53 askari halka laga qabsaday 6 baabuur oo ay ku xiranyihiin dhashiikayaal iyo Zuugag" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka XSHM.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dagaal gabaldhicii maanta dhacay lagu dilay ugu yaraan laba sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Guuleed Dhaashito iyo Gadgadoon ina Faynuus.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkii galabta ka dhacay meel 2Km ujirta Bacaadweyn maleeshiyaadka Galmudug looga qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xiranyahay qori dhashiike ah.

Qarax maanta duhurkii ka dhacay wadada xiriirisa degmada Hobyo iyo Bacaadweyn ayaa sababay gubashada gaari Tikinika ah waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday illaa 11 askari.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu ay caawa degantahay balse labada dhinac ayaa wali isku horfadhiyo banaanka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items