Hoggaamiye katirsan Dowladda Iiraan oo lagu dilay Bariga dalka Suuriya.

Tuesday December 01, 2020 - 11:17:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye katirsan Dowladda Iiraan oo lagu dilay Bariga dalka Suuriya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo hor leh lagu beegsaday sarkaal katirsanaa dowladda Shiicada Iiraan ee qeybta ka ah duullaanka lagu qaaday muslimiinta sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo hor leh lagu beegsaday sarkaal katirsanaa dowladda Shiicada Iiraan ee qeybta ka ah duullaanka lagu qaaday muslimiinta sunniga ah.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad Drone ah ay xuduud beenaadka uu dalka Ciraaq lawadaago Suuriya  ku dishay sarkaal sare oo katirsan ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.

Sarkaal katirsan kooxda Xashdiga ayaa warbaahinta usheegay in diyaaraddu ay beegsatay gaari nuuca raaxada ah oo ku socdaalayay meel ku dhow xuduud beenaadka ee Bariga Suuriya, hoggaamiyaha iiraaniga ah ee ladilay ayaa magaciisa lagu sheegay Muslim Shahdaan.



Wararka ayaa intaas ku daraya in duqeyntu ay dhacday daqiiqado kadib markii uu gaarigu kasoo tallaabay dhanka Ciraaq waxaana la sheegay in hoggaamiya Shahdaan uu kalan ugasoo qeyb gobolka al-Anbaar ka hor intii aan ladilin.

Diyaaradda duqeynta geysatay ayaa loo malaynayaa in uu leeyahay maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda oo beegsi baahsan ku haya saraakiisha dowladda shiicada iiraan ee wadanka Suuriya ka dagaallama.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items