Booliska Itoobiya oo xiray mid kamida Hoggaamiyaasha Muslimiinta ee caanka ah.

Tuesday December 01, 2020 - 11:54:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Booliska Itoobiya oo xiray mid kamida Hoggaamiyaasha Muslimiinta ee caanka ah.

    Ciidamada Booliska dowladda Itoobiya ee loo tababaray ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa howlgallo raaf ah ka sameeyay mid mida magaalooyinka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

الحاج محمد أول رجا
Ciidamada Booliska dowladda Itoobiya ee loo tababaray ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa howlgallo raaf ah ka sameeyay mid mida magaalooyinka wadankaasi.


Wararka ka imaanaya gobolka Oromia ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah ay xoog ku galeen dhismaha Markaz kuyaal magaalada Sebeta halkaas oo ay kasoo xireen Sheekh caan ah.

Ragga firfircoon ee soo tabiya wararka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in laxiray Alxaaj Max'med Awal Rajaa oo ahaa madaxii Jamciyadda Qur'aanka Kariimka ee wadanka Itoobiya.

Xaajiga iyo dhowr kamid ah kaaliyaashiisa ayaa iyagoo garbaduub uxiran loo dhaadhiciyay xabsi ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo, wax war ah kamasoo bixin ismaamul goboleedka Oromia oo ku saabsan howlgalladan raafka ah ee lagu beegsanayo hoggaamiyaasha muslimiinta.


Waxaa laga digayaa in beegsigan uu bilaaw unoqdo wajiga 2aad ee howlgal ay ciidamada Itoobiya ladamacsanyihiin muslimiinta deggan gobolka Oromia oo ah halka ay kunool yihiin muslimiinta ugu badan geeska qaaradda Afrika

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items