Sawirro: Gaadiid Dagaal oo ciidamada maamulka Galmudug looga qabsaday dagaalkii Bacaad weyn+Meydadka askartii ladilay.

Tuesday December 01, 2020 - 12:26:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 15 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Gaadiid Dagaal oo ciidamada maamulka Galmudug looga qabsaday dagaalkii Bacaad weyn+Meydadka askartii ladilay.

    Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha Soomaaliya.

Khasaaraha dhimashada ee dagaalka shalay ayaa gaaray 56 askari oo ay kamid yihiin illaa iyo sedax sarkaal, sawirro ay heshay warbaahinta islaamiga ah ayaa muujinayay gaadiid dagaal iyo saanado hub ah oo ugacan galay Shabaabul Mujaahidiin.

Xoogaga jihaadiga ah ayaa dagaalkii Bacaadweyn ku qabsaday illaa 6 gaari oo ay ku rakibanyihiin qoryaha culus waxayna kala yihiin 2 gaari oo Zuugag ay ku rakibanyihiin, sedax Cabdi Bile oo dhashiikayaal ay ku rakibanyihiin iyo gaari uu saaranyahay qoriga B10-ka loo yaqaan.


Sawirrada Meydadka qaar oo jirkoodu uu si aad ah ugo'go'naa ayaan ka baaqsanay in aan faafinno sababa laxiriira argagaxa ka muuqda aawgeed.

 Hoos ka daawo sawirrada dagaalkii Bacaadweyn.


























Related Items