Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Afgooye.

Wednesday December 02, 2020 - 10:15:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Afgooye.

    Weeraro khasaara dhaliyay ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro khasaara dhaliyay ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari oo katirsanaa ciidamada Booliska Puntland ay dhaawacmeen kadib markii qarax lala eegtay.

Dad ku sugan waqooyiga xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan.

Dhinaca kale weerar culus ayaa xalay fiidkii lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Federaalka ku leeyihiin tuulada Sabiid ee duleedka degmada Afgooye.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 2 askari lagu dilay weerarka halka tira kale ay dhaawacmeen, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro habeen dheelmad ah ka geysta inta badan degmooyinka iyo deegaannada gacanta shisheeye kujira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items