Qarax ruxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Wednesday December 02, 2020 - 16:23:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ruxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

    Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ruxay bartamaha magaalada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ruxay bartamaha magaalada,
Goob joogayaal ayaa usheegay wakaaladaha wararka in qaraxu uu ka dhacay xaafadda loo yaqaan Bole.

Saraakiisha dowladda ayaa qaraxa ku tilmaamay mid aan weynayn balse wali wax war ah kamasoo bixin saraakiisha booliska magaalada Addis Ababa, qaraxyadii horay uga dhacay caasimadda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay mas'uul ka aheyd Jabhadda TPLF ee dadaalka ugu jirta sidii ay u inqilaabi laheyd xukuumadda uu madaxda ka yahay Abiy Axmed.


Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli dalka Itoobiya ay ka jiraan xasarado siyaasadeed iyo kuwa ammaan oo saameyn ku yeeshay deganaashiyihii wadankaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items