Jabhadda Tigreega oo si adag udifaacatay gacan ku haynta magaalada Aksum.

Thursday December 03, 2020 - 11:00:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadda Tigreega oo si adag udifaacatay gacan ku haynta magaalada Aksum.

    Wararka ka imaanaya waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen gobolka Tigray ee gooni ugoosadka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamada Itoobiya
Wararka ka imaanaya waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen gobolka Tigray ee gooni ugoosadka ah.

Dagaallo aad uqaraar ayaa shalay ka dhacay hareeraha magaalada Aksum oo isbuucii lasoo dhaafay ay dib ula wareegeen maleeshiyaadka Jabhadda qowmiyadda Tigreega.

Warbaahinta ku hadasha afka jabhadda TPLF ayaa sheegtay in shalay ay iska difaaceen weeraro dhowr ah oo ay soo qaadeen ciidamada Melleteriga Itoobiya kuwaas oo doonayay in ay dib uqabsadaan magaalada.

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cardaadiqaha uga dhigay xaafado katirsan magaalada Aksum, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dhammaan furimaha laysku horfadhiyo ay iska hor'imaadyo ka socdaan.


Hoggaamiyaha TPLF ayaa wakaalaha wararka usheegay in xoogagoodu ay kulaalayaan magaalada Maqalla ayna xaalad go'doon ah geliyeen ciidamada Itoobiya ee haysta caasimadda gobolka Tigray

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items