Qaraxyo Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Thursday December 03, 2020 - 11:06:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo shalay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno katirsan gobolka Baay ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo shalay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno katirsan gobolka Baay ee dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay oo lala beegsaday ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan 5 askari ayaa dhimatay 6 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii laba qarax lagu beegsaday ciidamo kasoo kala baxay Daynuunaay iyo Baydhabo.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa Somalimemo u sheegay in qaraxa hore lala helay ciidamo ka yimid dhanka Daynuunaay waxaana ku dhintay 3 sedax askari, daqiiqado kadib gaari Cabdi bile ah oo gurmad ahaan ugasoo baxay Baydhabo ayuu qarax ku qabsaday wadada laamiga ah waxaana ku dhintay 2 askari.


Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa ladhigay illaa lix askari oo kusoo dhaawacmay qaraxyadii shalay waxaana mas'uuliyadooda sheegtay Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items