Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Weerar ka dhacay Gaarisa.

Thursday December 03, 2020 - 11:35:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Weerar ka dhacay Gaarisa.

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerar cusub ay kala kulantay Jihaadiyiinta Al Shabaab ee ka halgama bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerar cusub ay kala kulantay Jihaadiyiinta Al Shabaab ee ka halgama bariga qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya Gaarisa ayaa sheegaya in weerar culus uu lakulmay saldhig ay ciidamada Boolisku ku leeyihiin deegaanka Amuuma oo katirsan isla gobolka Gaarisa.

Saraakiisha Booliska Kenya waxay sheegeen in dagaalyahanno aad u hubaysan ay weerareen saldhigga habeenkii Arbacada ayna geysteen khasaare dhan walba ah.

Kenya waxay sheegtay in dagaalka oo socday muddo 15 daqiiqo ah uu sababay dhaawac halis ah oo soo gaaray sarkaal Boolis islamarkaana lala'yahay 2 askari.


Wararka ayaa intaas ku daraya in Jihaadiyiinta weerarka geystay ay burburiyeen saldhigga booliska Amuuma islamarkaana ay daad guraysteen saanado hub ah.

Ciidamada booliska ah ee lala'yahay loona malaynayo in ay dhinteen waxaa kamid ah askari lagu magacaabo Fredrick Okwiri.

Dhinaca kale   Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan cusub ee ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida Kenya.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka Amuume ay ku dishay taliyihii booliska deegaanka islamarkaana uu dhaawac culus gaaray ku xigeenkiisi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items