Weeraro lagu miray saldhigyo ay ciidamada Itoobiya,Uganda iyo Kenya ku leeyihiin Soomaaliya.

Thursday December 03, 2020 - 10:29:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu miray saldhigyo ay ciidamada Itoobiya,Uganda iyo Kenya ku leeyihiin Soomaaliya.

    Weerari safballaaran ayaa markale lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ay ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerari safballaaran ayaa markale lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ay ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Ciidamada wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku asqeeyay saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ay ku leeyihiin magaalooyinka Xudur iyo Qansaxdheere.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ayaa ku dhintay iska hor'imaad culus oo ka dhacay gudaha degmada Xudur balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday ciidamada Xabashida.

Weeraro kale oo safballaaran ahaa ayaa lagu qaaday saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Kudhaa iyo saldhigyo ay ciidamada Uganda ku leeyihiin Awdheegle iyo janaale.


Halganka lagula jiro ciidamada shisheeyaha Jinsiyadaha kala duwan leh ayaa kusoo xoogeysanaya inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items