Xiisado ka dhashay 8 Xildhibaan oo Xasaanadda lagala noqday ayaa ka taagan Garoowe.

Thursday December 03, 2020 - 18:21:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisado ka dhashay 8 Xildhibaan oo Xasaanadda lagala noqday ayaa ka taagan Garoowe.

    Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee Gobalka Nugaal ayaa ku waramaya in subaxnimadii saakay ay halkaasi ka bilaabatay xisado siyaasadeed iyo mooshin ka dhan ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee Gobalka Nugaal ayaa ku waramaya in subaxnimadii saakay ay halkaasi ka bilaabatay xisado siyaasadeed iyo mooshin ka dhan ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland.


Askar aad u farabadan oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa saakay isku gadaamay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka iyo sido kale wadooyin dhowr ah oo mara magaalada.

Dhanka kale Xildhibaanada baarlamaanka mamaulka Puntland oo kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruunta baarlamaanka ee magaalada Garawe ayaa xasaanada kala noqday 8 xildhibaan kuwaas oo loo soo jeediyay eedo kala duwan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka putland oo hor yimid Gudoonka baarlamaanka ayaa xildhibaannada ka hor akhriyay eedeymo ka dhan ah 8 Xildhibaano kuwaas oo lagu edeeyay falal lid ku ah anshaxa iyo xeerarka gollaha.



Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa cod u qaaday xasaanad kala noqoshada Xildhibaannada,waxaana la sheegay in 35 xildhiban ay gacanta u taageen in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqdo halka saddex xildhibaana ay diideen halka hal Xildhibaana uu ka aamusay shaqo ka ceyrinta Xildhibaanadaas.

Xildhibaannada xasaanada lagala noqday ayaa waxaa ay kala yihin.

Xildhinaan Cabdijamal Cismaan.
Xildhibaan Cabdiqani Surato
Xildhibaan Muuse Jajabsay
Xildhibaan Baduugaaye
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
Xildhibaan Saleeban Faarax.
Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Mamaulka Putland ayaa waxaa ka dhex aloolsan xiisado siyaasadeed oo is diidan, waxaana sanad ka hor xilkii laga xayuubiyay Gudoomiyihii baarlamaanka kaas oo ay isk hor yimaadeen hogaamiyaha maamulkaas Siciid Cabdullahi Deni.

Dowlada fedraalka iyo maamul Goboleedyada oo ay dhiseen shisheeyaha ayaa ku shaqeeya xeerar ay soo dajiyeen reer galbeedka Taas oo ka dhan dhaqanka suuban ee diinta islaamka.

Isha warka: Radio Alfurqaan

Related Items