Sooyaalka dunida waxaa waara dadka
taariikhda wanaagsan ka taga, ummad waliba waxa ay leedahay cid ay ku dayato
ama hiigsato. Innaga waxa role model inoo ah Nabi Muxamed SCW iyo saxaabadii
barakeysnayd, haddii intaas laga soo tago waxaa soomaali ahaan halyey inoo ah
oo illaa immika bogaga taatiikhda ku sajjilan Axmed Ibraahim Alqaazi oo
Axmed-Gurey loo yaqaanno.
Waxa kale oo bogaga taariikhda inoogu
jira Maxamed Cabdulle Xasan oo Sayid Maxamed ku magac dheeraa. Waxa sidoo kale
Sooyaalka inoogu jira Maxkamadihii islaamiga ahaa balse markii dambe badankood la habaabiyey haddana
waxa shumac ifaya inoo ah shabaabka.
Akhristow inta aanad qoraalkan dhammeysan bal horta
su’aashaa ka jawaab.
Wakhti laga joogo sannado badan oo badan ayaa waxa
magaalo ku noolaa shacab aad u badan iyo boqor qiimo badnaa. Boqorku waxa uu
loollan kula jirey qolyo qawleysato ahaa islamarkaana doonayey in ay shacabka
ka lumiyaan jahada fiican ee boqorku u wado.
Wakhti dambe ayay abaar xuni dhacday magaaladiina way
harraadey ilaahayna waxa uu magaaladii ka dillaaciyey laba ceel, mid qofkii
cabbaaba waa uu ku cilladoon jirey midna qofkii ka cabbaa waxba kuma noqon
jirin.
Midi magaalada wuu ka yara durugsanaa midna wuu ku dhexyaalley. Dadkii caammada
ahaa oo dhammi waxa ay ka cabbeen toggii magaalada u dhawaa balse lagu
xanuunsan jirey, halka boqorkii iyo intii la socotey ay markasta ugu baaqayeen
shacabka in ay u samraan socodka islamarkaana ay yimaaddaan ceelka biyaha
fiican leh. Ugu dambayn dadkii oo dhami waa ay jirradeen laakiin boqorkii waa
miyir qabey, dabeeto qolyihii qawlaysatoda ahaa baa boqorkii talo ugu yimid
waxa aaney u sheegeen in uu ceelka magaalada ku yaalla ka cabbo kadibna u noqdo
sida shacabka oo kale. Taasoo macnaheedu ahaa "Waad maamuli kartaa shacabka
haddii aad sidooda oo kale noqoto misana aad yeesho sida ay yeeleen”.
Hadda shacabkeennan soomaaliyeedow waxa aynu u muuqannaa kuwo ceel qarriban ka
cabbey islamarkaana waxgaradkii diiddan balse qofkasta oo caqli lehi waa
garanayaa halka ay inoogu jiraan dhallinta halgameysaa, xattaa haddii ay yar
yihiin macno maleh sababtoo ah asxaabtuba marbey afraad kooban ahaayeen.
Wadaadada halgamayaa waxa ay leeyihiin mustaqbal fiican
laakiin shacabkeenna ayaa u badan dad aan wax fahamsanayn amaba la qabsadey
dhaqanno dib inoo ridaya, waxa jirta in mar madaxweyne reer madagaskar ahi uu
khudbad u jeediyey dadkiisa waxa aanu yidhi "Shacabka madagaskar waa dad daacad
ah oo hawlkar ah, laakiin waxa jira dhaqammo aynu qabatinney oo wanaaga iyo
dawladnimada inaga hortaagan...Waxa jira qabiillo reer madagaskar ah oo haddii
ninka qoysku dhinto xoolihiisa oo dhan la dabarjaro, tusaale ahaan: Ninka
dhinta isaga oo ay u joogaan 100 neef oo lo’ ah, waa la dilaa boqolkaasba isagoo
reerkiisu ka faro madhan yahay”.
Haddaba inkasta oo aynaan gaadhin heerkaas haddana
dhaqammada foosha xun ee inala dagey waxa kamid ah qabyaaladda. Wakhtigii
gumeystuhu joogey ayaa nin soomaaliyeed oo gaaloobey uu xisbi furtay, haddii la
weydiiyey yaa kuu codeyn doona illeen dadkan isku diin ma tihidine wuxu yidhi
"Dadkan diin wax ka weyn baa naga dhexeeya oo waxa ay aaminsan yihiin
qabiilka”. Ilaahay qabiilka ha inaga
koriyo shamaca diimeed ee inoo baxayana dalka ha inoogu baahiyo, shacabka aan
anigu kamidka ahayna ilaah xaqqa ha fahamsiiyo. Ugu dambayn dhallinta
halgameysa waxaan leeyahay.
Cadowgaagu duurkiyo, hadduu doogga cawskiyo
dareemada ka badan yahay, adiguna dab baad tahay
Digo shidan hadduu yahay, adna daad socdaad tahay
damal adag hadduu yahay, adna danab dhacaad tahay
Baaruudda duushiyo, Dubbe culus hadduu yahay
Derbi soo ceshaad tahay
Mugdi lagu dayoobiyo, gudcur dama hadduu yahay
qorrax duluca furatiyo, dayax buuxsamaad tahay
Hadduu aw dillaaliyo, qalin duurre faalshiyo
yahay fiqi dammiinana, cilmi durugsan baad tahay
Dulin dhiigga miirtiyo, dulmi hilan hadduu yahay
xaq dillaacay baad tahay
Nin qabiil daftiisiyo, sita daramalkiisoo
ku dan qaba hadduu yahay, qaran dawladaad tahay
haddey daana daaniyo, Dawliil ku heesaan
waxyi soo degaad tahay
Inta dunidu raarkiyo, deyrka hoose leedahay
qof dulmani ku nool yahay, ilays daaran baad tahay.
Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi
Jidka Rejada W/Q: Wadaadyare
Taariikhda dunida qiso waliba meel bay ka bilaabantaa islajeerkaasna meel kale ayey ku dhammaataa.