Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay golaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi cusub oo qaabilsan qaban qaabada doorashooyinka.
Guddiga oo ka kooban guddoomiye,ku xigeenno iyo Afhayeen ayaa ah mid khilaafsan
guddi ay dhowaan magacaawday dowladda Federaalka balse dhaliyay murun
siyaasadeed iyo diidmo aad uxooggan.
Guddoomiyaha guddiga cusub ee doorashooyinka ayaa loo magacaabay Yuusuf Xasan
Mursal oo horay u ahaa wariye katirsan Idaacadda BBC-da.
Magacyada xubnaha lamagacaabay
1. Guddoomiyaha Guddiga Yuusuf Xasan Mursal.
2.Gudoomiye Kuxigeen C/llaahi Maxamed Aadan (Farey)
3. Xoghaye C/fitaax Maxamed Dhicis.
4.Afhayeen C/llaahi Cabdi Maxamed (C/llaahi Taleefan).
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo iskasoo horjeeda,
Farmaajo iyo xukuumaddiisa ayaa dhegaha ka furaystay dhammaan eedaymaha loosoo
jeediyay ee ah in ay soo magacaabeen guddi ubadan shaqaalaha dowladda.
Shaki badan ayaa lagelinayaa in doorashada madaxweyne iyo midda baarlamaan ee
dowladda Federaalka ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay sababa laxiriira
khilaafka siyaasadeed ee ku horgudban.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Midowga Musharixiinta oo doortay xubnaha guddiga doorashada.
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay golaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi cusub oo qaabilsan qaban qaabada doorashooyinka.