Taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda uu noqon doono mid kalaguur ah oo ammaanka Soomaaliya uu ku imaan doono isbedel weyn sida hadalka loo dhigay.
Francisco Madeira oo ah ergayga Ururka Midowga Afrika ee maamula ciidanka
AMISOM ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaashii ugu dambeeyay ee ay ugu diyaar
garoobayaan in dhammaan ciidamada shisheeye looga saaro Soomaaliya.
Isagoo khudbad ka jeedinayay shir ballaaran oo shalay ka dhacay xerada Xalane
ee magaalada Muqdisho ayuu ka shanqariyay in sanadda 2022 lasoo gaba gabayn doono
howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya islamarkaana ammaanka lagu wareejin
doono ciidamada DF!.
Wuxuu carabaabay in inta lagu gudajiro sanadda 2021 ay AMISOM aad udhimi doonto
joogitaanka ciidamadeeda ee gobollada dalka si loogu diyaar garoobo ka bixintaanka
dhammeystiran ee dhici doona sanadka xiga.
Caddeymaha ka yimid Francisco Madeira
ayaa muujinaya in soo duulayaasha Afrikaanta uu waqtigu kasii idlaanayo iyagoo
aan xaqiijin hadafkii duullaankooda oo ahaa in ay Soomaaliya ka tirtiraan
awoodda jihaadiga ah iyo in ladumiyo wilaayaatka Islaamiga ee dalka ka hirgeliyay
ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Khubarada dhanka ammaanka ayaa aaminsan in haddii ay ciidamada shisheeye isaga
baxaan Soomaaliya ay jihaadiyiinta Al Shabaab dib ula wareegi doonaan dhowr
magaalo oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka islamarkaana aysan
maleeshiyaadka dowladda awood ulahayn difaacashada meelaha ay baneeyaan
ciidamada shisheeye.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Midowga Afrika oo ku dhawaaqay waqtiga kama dambaysta ah ee ay ciidamada AMISOM ka baxayaan Soomaaliya.
Taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda uu noqon doono mid kalaguur ah oo ammaanka Soomaaliya uu ku imaan doono isbedel weyn sida hadalka loo dhigay.