Sawirro: Dufcaddii 6aad oo ka qalin jebisay Machadka daraasaadka Qurdubah.

Thursday December 10, 2020 - 16:08:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dufcaddii 6aad oo ka qalin jebisay Machadka daraasaadka Qurdubah.

    Munaasabad Ballaaran ayaa ka dhacday xarunta Machadka Qurdubah ee degmada Galhareeri ee Wilaayada Islaamiga Galgaduud taasi oo ay kasoo qeyb galeen maamulka,macalimiinta,ardayda machadka iyo marti sharaf kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad Ballaaran ayaa ka dhacday xarunta Machadka Qurdubah ee degmada Galhareeri ee Wilaayada Islaamiga Galgaduud taasi oo ay kasoo qeyb galeen maamulka,macalimiinta,ardayda machadka iyo marti sharaf kale.


Munaasabadaan ayaa lagu sagootinayay Dufacadii Lixaad oo ka qalinjibisay Machadka Qurdubah oo ah machad ay aas-aaseen dhalinyaro isu tagtay oo u istaagtay badbaadinta Dalka iyo mustaqbalka Dhalinta soo koreysa.

Munaasabada waxaa kalimo ka jeediyay maamulka Machadka,Waalidiinta ardayda,sidoo kale Ardaydii ka qalinjibisay machadka ayaa goobta kusoo bandhigay Cilmigii ay barteen waxaana arintaasi si aad ah ugu farxay Waalidiinta iyo guud ahaan Marti sharaftii ku sugneed goobta Xaflada.



Machadka Qurdubah ayaa xarumo ku kala leh degmooyinka Galhareeri, Ceelbuur iyo Xiindheere oo ka wada tirsan wilaayada Galgaduud, Waxa uu sidoo kale xarumo ku leeyahay Wilaayaatka Shabeelada hoose iyo Jubbooyinka.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Xaflada Qalin Jibinta Machadka















Related Items