Weerar 6 Askari Itoobiyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Gedo.

Friday December 11, 2020 - 11:12:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 6 Askari Itoobiyaan ah lagu dilay oo ka dhacay gobolka Gedo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaadiid laga gubay melleteriga Itoobiya
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka waaberigii hore weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Buurdhuubo.

Dagaal culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray saldhigga oo kuyaal hareeraha Buundada degmada, markii uu dagaalku cuslaaday ayay ciidamada Xabashida soo kiciyeen qaar kamid ah gaadiidkooda gaashaaman ee gudaha saldhigga yiillay.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 6 askari Itoobiyaan ah islamarkaana lagu gubay gaari melleteri oo uu ku rakibnaa qoriga lidka diyaaradaha ee Zuugga loo yaqaan.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dab xooggan uu ka kacay qeyb kamid ah xerada ciidamada Itoobiya waxaana la arkayay qaar kamid ah teendhooyinka askarta udhisan oo gubnaya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii Al Shabaab ee weerarka qaaday ay maanta barqadii dib uga gurteen degmada Buurdhuubo kadib markii ay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Xabashida.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items