Xukuumadda dabadhilifka Alqmarib ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay caadiyaysay xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta falasdiin.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka shaqeysay sidii ay usaaxiibi
lahaayeen dowladda Almaqrib iyo maamulka Yyahuudda Sahyuuniyadda iyadoo qeyb ka
ah mashruuca ballaaran ee lagu caadiyaynayo cilaaqaadka"Isra'el" iyo
dawaaqiidda carbeed.
Aqalka cad ayaa sheegay in Trump iyo Max'med-ka lixaad ee Marocco ay khadka
taleefanka kuwada hadaleen ayna ku heshiiyeen in xukuumadda Rabaad ay dib usoo
celiso xiriirkii diblumaasiyadeed ee Yahuudda kala dhaxeeyay kaasi oo go'ay
sanaddii 2000 xilligaas oo ay qaraxday Intifaadadii Falasdiin kadib markii Shaaroon-kii halaagsamay uu gudaha ugalay
Masjidka barakaysan ee Al-aqsaa.
Sida ku cad heshiiska Mareykanka ayaa aqoonsaday in gobolka Saxaraha galbeed uu
kamid yahay dalweynaha Almaqrib ama Marocco wuxuuna bixin doonaa lacag dhan 3
Bilyan oo dollar oo maalgashi ahaan loosiinayo xukuumadda Rabaad, taas
bedelkeed Alqmarib waxay ogolaatay in ay ku biirto tareenka Tabiica dhanka Yahuudda
waxayna dib usoo celinaysaa dhammaan xiriirkii diblumaasiyadeed,midkii amni iyo
midkii dhaqaale ee kala dhaxeeyay waxa loogu yeero Israa'iil.
Binyamiin netenyaahu oo ah R/wasaaraha Yahuudda ayaa isna sheegay in uu
dareemayo farxadweyn uuna bogaadinayo go'aanka uu qaatay boqor Maxamed-ka
lixaad ee Marocco, waa dowladdii Afaraad oo katirsan dawaaqiidda carabta ee
sanadkaan gudihiisa iclaamiso in ay lasaaxiibtay Yahuudda, dowladaha kala ah
Baxreyn,Imaaraatka iyo Suudaan ayaa horay ugu dhawaaqay tallaab middan lamid
ah.
Diyaaradaha ganacsiga iyo kuwa dalxiiska Yahuudda ayaa uduuli doona
magaalooyinka waaweyn ee wadanka Almaqrib waxayna labada dowladood isdhaafsan
doonaan badeecadaha ganacsiga sida ku cad heshiiskan.
Kooxaha muqaawamada falasdiin oo arrintan ka jawaabay ayaa dhaleeceeyay waxayna
sheegeen in Marocco ay ku biirtay khawanada carbeed ee dhabarka ka toogtay
qadiyadda Masiiriga ah ee reer Falasdiin
Dowladda Marocco oo Xiriir saaxibtinimo la sameysatay Yahuudda!
Xukuumadda dabadhilifka Alqmarib ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay caadiyaysay xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku haysta dhulalka muslimiinta falasdiin.