Diyaaradaha Mareykanka oo markale dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka Koonfurta Afghanistan.

Saturday December 12, 2020 - 10:28:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Mareykanka oo markale dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka Koonfurta Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in duqeymo shacab badan ay ku shahiideen ay ka dhaceen gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in duqeymo shacab badan ay ku shahiideen ay ka dhaceen gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha wadanka Afghanistan.


Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa tobanaan ruux shacab ah ku dilay duqeyn ka dhacday deegaan katirsan gobolka Qandahaar ee Koonfurta dalkaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in duqeyn cadawtooyo oo diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen deegaanka Laako-kheyl ay ku dileen illaa 10 qof shacab ah ayna ku burburiyeen dhowr guri oo ay lahaayeen dadka deegaanka.



Taliban waxay sheegtay in duqeyntan oo ah middii labaad ee bishaan gudaheeda dhacda ay qeyb ka tahay ku xadgudub weyn oo Mareykanku uu ku sameeyay heshiiskii xabad joojinta ahaa ee magaalada Dooxa ka dhacay horraantii sanadkan.

Duqeyn kale oo diyaaradaha xukuumadda dabadhilifka Kaabuul ay ka fuliyeen deegaan katirsan wilaayada Owruzkhaan waxaa ku shahiiday hal qof shacab ah mid kalane dhaawac ayaa kasoo gaaray.

Imaarada Islaamiga ah waxay ku goodisay in jawaab adag ay ka bixin doonto duqeyntan ka timid Mareykanka ayna ka fiirsanayso usii hoggaansamidda heshiiskii Dooxa iyadoo wixii dhacay mas'uuliyadooda dusha uga tuurtay xukuumadda Washington.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items