Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bakool.
Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ayaa
sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal aad culus kaasi oo udhaxeeyay
maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo taabacsan wilaayada
Islaamiga Bay iyo Bakool.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada jihaadiga ah ay weerar jidgal ah
udhigeen kolonyo maleeshiyaad ah oo gelbinayay gaadiid sahay kasoo qaaday
dhanka deegaanka Qurac Joome kunasii jeeday Xudur.
Wariye ku sugan gobolka Bakool ayaa
SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in
9 gaari lagu gubay dagaalka waxaana kamid ahaa gaadiidka loo yaqaan Cabdi Bilayaasha
iyo kuwa xamuul ah oo sahay usiday dhanka xarunta gobolka Bakool.
Tobaneeyo askari ayaa la sheegay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka
jidgalka ah ee isku bedelay dagaalka saacadaha badan qaatay, Al Shabaab ayaa
sanaddii 2014 hareerayn adag kusoo rogtay ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaadka
la shaqeeya ee ku sugan degmada Xudur.
Ciidamada huwanta ah ayaa badanaa sahay gudbinta u adeegsada diyaarado balse
marmarka qaar ayay isku dayaan in ay dhulka ku gudbistaan sahayda laakin waxay
weeraro kala kulmayaan xoogaga jihaadiga ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Dagaal lagu gubay 9 gaari oo ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde [Warbixin].
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bakool.