Barakacayaashii ka cararay xaaladda bani'aaddanimo ee ka jirta gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa daaha ka rogay xasuuq wadareedyo lagula kacay boqollaal ruux oo xabashi Itoobiyaan ah intii ay socdeen dagaalladii cuslaa ee gobolkaas uu marti geliyay.
Kumannaan ruux oo ku
barakacay dagaallada ka holcoya dalka Itoobiya islamarkaana gaaray dalka
Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in labada dhinac ee TPLF iyo xukuumadda dhexe
aysan unaxariisan dadka rayidka ah waxayna ku kaceen xasuuq aad udaran.
Qaar baa kuwa xasuuqa
gaystay ku sheegay in ay ahaayeen ciidanka Melleteriga Abiy Axmed halka kuwa
qaarna ay ku sheegeen in ay ahaayeen ciidamada jabhadda TPLF.
Qaxootiga qaarkii oo la
hadlay wakaaladda wararka AP ayaa shaaciyay in ay jiraan xabaal wadareedyo lagu
aasay boqollaal ruux oo lagu dilay gobolka Tigray ka hor inta aysan kasoo
tallaabin soohdinta Itoobiya iyo Suudaan.
Dadka ay wakaaladdu la
kulantay oo ahaa dadkii sida dirqiga ahaa kaga soo badbaaday xasuuqa ayaa
sheegay in magaalada ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday ay ahayd magaalada
Mai-Kadra ee kulaasha xadka Itoobiya iyo Suudaan.
Tesfaalem Germay oo ka mid
ahaa dadkii kasoo barakacay xaaladda adag ee ka jirta Itoobiya ayaa AP u
sheegay in uu dhaayihiisa saaray ciidmada Millatariga iyo maleeshiyaadka
Axmarada oo madaxyada ka guraya boqollaal ka mida dadkii deegaanka oo ku sugnaa
magaalada Mai-Kadra.
"Xitaa ciidamada dowladdu
uma maleynayn inaan nool nahay, waxay moodayeen inaan dhamaanteen dhimanna "waxaa
sidaasi wakaaladda wararka AP u sheegay
qof kale oo kasoo cararay xaaladda ka taagan Itoobiya.
Wakaaladda oo soo xiganaysa
qaxootiga qaxa ku tagay dalka Suudaan ayaa sheegtay in ay haleen xabaal wadareedyo
badan oo ay si jimaaci ah ugu aasan yihiin boqollaal ruux oo lagu dilay soohdinta
labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya.
Saraakiil katirsan kooxaha mucaaradka ah ayaa horay u sheegay in maleeshiyaad
Amxaaro ah oo katirsan ciidanka Itoobiya ay aragtida ku tooganayaan qofkii ay
arkeen iyagoo qofka udilaya kaliya in uu kasoo jeedo qowmiyadda Tigreega.
Ciidamada Itoobiya oo Shacab ku xasuuqay gobolka Tigray [Warbixin].
Dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa la sheegay in ay xasuuq daran kala kulmayaan ciidamada Meleteriga Itoobiya ee kasoo jeeda Amxaarada.