Weeraro Caawa Ka Dhacay Xaafado Katirsan Muqdisho,Ceelasha Biyaha iyo Qoryooleey.

Wednesday June 18, 2014 - 22:13:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Caawa Ka Dhacay Xaafado Katirsan Muqdisho,Ceelasha Biyaha iyo Qoryooleey.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa caawa fiidkii ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho oo bilihii lasoo dhaafay ay kusii xoogaysanayeen mujaahidiinta Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa caawa fiidkii ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho oo bilihii lasoo dhaafay ay kusii xoogaysanayeen mujaahidiinta Al Shabaab.

Caawa fiidkii ayaa laweeraray saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaan.

Dhinaca kale ciidamada xarakada Al Shabaab ayaa weerar ku dhawaad hal saac socday ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceelgaruun ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dhanka duleedka degmada Qoryooley iska hor’imaadyo ayaa ka dhacay tuulada Buula Sheekh,goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay gabaldhicii maanta weerar dhabagal ah u dhigeen ciidamada AMISOM waxaana iska hor’imaadyadaasi ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.



Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items