Shil ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Haro kutaal wadanka Uganda.

Saturday December 26, 2020 - 17:50:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Haro kutaal wadanka Uganda.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil ka dhacay mid kamida Harooyinka ugu waaweyn wadanka Uganda ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil ka dhacay mid kamida Harooyinka ugu waaweyn wadanka Uganda ee dhaca bariga qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 26 qof ay dhinteen tobanaan kalane lala'yahay kadib markii doon yar ay ku degtay harada lagu magacaabo Albert.

Mas'uuliyiin maxalli ah ayaa usheegay wakaaladda wararka Faransiiska in dabeyllo ku dhuftay mandiqadda ay sabab unoqdeen in ay maashoowdo doon ay ku safrayeen illaa 21 ruux iyo 5 kamid ah shaqaalaha doonta.

Nin lagu magacaabo Ashraf Oromo ayaa usheegay warbaahinta in cimillada oo aad uxumaa ay sabab u noqdeen in doonto si lama filaan ah udegto waxaana socda dadaallo lagu baadi goobayo dadka lala'yahay.


Dadka ku dhintay shilkan ka dhacay harada Albert dhammaantood waxay kasoo jeedaan dalalka Uganda iyo Koongada Dimuquraadiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items