Wakaaladda wararka ufaafiso xukuumadda dabadhilifka Lubnaan
ayaa sheegtay in dad Lubnaaniyiin ah ay dab ku qabteen xero ay deganaayeen dad
barakacayaal Suuriyiin ah kadib khilaaf soo kala dhaxgalay labada dhinac.
Hay'adda UNHCR ee taabacsan waxa loogu yeero Q,midoobay
ayaa lagu sheegay in dabku uu ku faafay dhammaan dhismayaasha xerada oo ay ku
noolyihiin dad ka badan 75 qoys oo kasoo barakacay dalka Suuriya.
Goob joogayaal ku sugan mandiqadda Almabniyah oo uu
kuyaal mukhayamka gubtay ayaa usheegay wakaaladaha wararka in guryo ka sameysan
baco iyo cooshado ay gubteen waxaana jira dhowr qof oo dhaawacyo soo gaareen
kuwaas oo loola cararay dhanka isbitaallada.
Xero ay deganaayeen dad Barakacayaal Suuriyaan ah oo lagu gubay dalka Lubnaan
Xadgudubyo ka dhan ah dadka barakacayaasha Suuriyaanka ah ayaa lagasoo calaamadeeyay deegaanno dhaca waqooyiga wadanka Lubnaan ee mandiqadda Shaam.