Dowladda Faransiiska oo xaqiijisay in 3 Askari looga dilay dalka Maali.

Tuesday December 29, 2020 - 07:37:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Faransiiska oo xaqiijisay in 3 Askari looga dilay dalka Maali.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada soo duulayaasha Faransiiska kasoo gaaray weerar cusub oo lagula beegsaday wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada soo duulayaasha Faransiiska kasoo gaaray weerar cusub oo lagula beegsaday wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.


War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada xukuumadda Paris ayaa lagu sheegay in ugu yaraan sedax askari looga dilay qarax miino oo lagula beegsaday deegaanka Humbori ee dhaca waqooyiga dalka Maali.

"Sedax askari oo Faransiiska ayaa wadanka Maali lagu dilay maalintii Isniinta kadib markii ay miino ku qaraxday gaari gaashaaman oo ay wateen xilli ay howlgal ka wadeen mandiqadda Humbori" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay qasriga madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka Faransiiska.


Sida warbaahinta reergalbeedku ay sheegayso dhimashada sedaxdan askari ayaa tirada askarta looga dilay Faransiiska dalka Maali ka dhigaysa illaa 47 askari tan iyo markii uu ku duulay mandiqadda Saaxilka sanaddii 2013.

Dadka ukuurgala dagaalka Maali ayaa aaminsan in dhimashada ciidanka Faransiiska ay aad uga badantahay inta ay dowaddu sheegayso waxaana dhici karta in askarta laga dilay ay gaarayaan kumanaan kun oo askari.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items