Cudurka Carona oo dad ka badan Sedax kun ku dilay dalka Mareykanka.

Wednesday December 30, 2020 - 11:33:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Carona oo dad ka badan Sedax kun ku dilay dalka Mareykanka.

    Caabuqa Covid19 ayaa dadkii ugu badnaa maalin qura ku dilay wadanka Mareykanka ee dhaca waqooyiga qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa dadkii ugu badnaa maalin qura ku dilay wadanka Mareykanka ee dhaca waqooyiga qaaradda America.


Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in 50-ka gobol ee wadankaas uu ka koobanyahay ay 24 saac gudahood Carona ugu dhinteen dad gaaraya 3,283 ruux.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen dadka uu Carona shalay soo ritay ay ka badanyihiin 195 kun oo ruux, guddiga COVID Trackin ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in Kiisaskii ugu horreeyay oo Caronaha cusub ah laga diiwaan geliyay gobolka lagu magacaabo Koloraado ee dalka Mareykanka.


Bishan December gudaheeda waxaa dalka Mareykanka Carona ugu dhintay inkabadan 63 kun oo ruux waana khasaarihii ugu badnaa ee uu abid Carona ka geysto  mid kamida wadamada caalamka wax ka yar 30 maalmood.

Tirada guud ee dadka American-ka ah ee uu Carona ku dilay dalka Mareykanka waxay kor udhaaftay 335 kun oo qof, dalka Mareykanka ayaa ah dalka ugu dhimashada badan caalamka tan iyo markii uu Carona bilaawday dabayaaqadii sanaddii 2019.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items