Al Shabaab oo weerar culus ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Mandheera.

Wednesday December 30, 2020 - 17:30:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weerar culus ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Mandheera.

    Warar dheeraad ah kasoo baxaya weerar culus oo dagaalyahannada Al Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah kasoo baxaya weerar culus oo dagaalyahannada Al Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Itoobiya.


Wararka ka imaanaya NFD ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay dagaal culus kadib la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Shiir ee hoos yimaad degmada Mandheera.

Jihaadiyiinta ayaa deegaanka ka eryay maleeshiyaad gacan saar lalahaa dowladda Kenya, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay muddo saacada ah maamulayeen deegaanka.

Saraakiil katirsan ciidamada Al Shabaab ayaa goob fagaare ah dadka shacabka uga muxaadareeyay waxayna ku guubaabiyeen in ay ka fogaadaan xarumaha dowladda Kenya.


Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga jihaadiga ah ee weerarka qaaday ay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka Shiir, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Booliska Kenya oo ku saabsan weerarkan cusub ee Mandheera ka dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items