Saraakiil katirsan AMISOM iyo DF oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya.

Thursday December 31, 2020 - 10:57:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil katirsan AMISOM iyo DF oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya.

    Weeraro qorshaysan oo lagu dilay saraakiil katirsan ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Banaadir iyo Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro qorshaysan oo lagu dilay saraakiil katirsan ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Banaadir iyo Sh/hoose.


Xalay fiidkii ayay xoogag hubaysan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Melleteriga dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in rag hubaysan ay dileen Sedax Xidigle Xuubeey Raage iyagoona markii uu dilku dhacay kadib goobta isaga dhaqaaqay.

Dhinaca kale qarax ka dhacay deegaanka Bariire ee Sh/hoose ayaa dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamada shisheeyaha AMISOM.


Ugu yaraan sarkaal Miina baare ah ayaa ku dhintay qaraxa Bariire halka laba kale ay dhaawacyo soo gaareen, dhammaan  weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegtay Xarakada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items