Qarax xooggan oo ka dhacay waqooyiga Maali ayaa sababay
dhimashada ugu yaraan 2 askari oo katirsanaa ciidamada Faransiiska gaar ahaan
guutada labaad ee melleteriga wadankaasi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Élysée ee dalka
Faransiiska looga arrimiyo ayaa lagu sheegay in miino lagu aasay wadada
hareeraheeda ay ku dhinteen laba askari meel ku dhow magaalada Haagiinaaw.
Warka kasoo baxay xukuumadda Faransiiska waxaa lagu caddeeyay
in gaari nuuca gaashaaman ah oo ay ciidamadu la socdeen uu haleelay qarax aad
uxooggan kadibna ay askartii ku sugneed dhimasho iyo dhaawac noqdeen.
Madaxweynaha faransiiska ayaa si kulul udhaleeceeyay
weerarkan wuxuuna ku eedeeyay wax uu ugu yeeray argagaxiso oo uu ula jeedo
mujaahidiinta Nusratul islaam walmuslimiin ee ka jihaada wadamada mandiqadda
Saaxilka afrika oo dalka Maali uu ka mid yahay.
isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax sidaan
oo kale dalka Maali uga dhacay loogu dilay sedax askari faransiis ah waxaana
mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay jamaacada Nusratul islaam walmuslimiin.
Askar Faransiis ah oo markale lagu dilay dalka Maali.
Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in markale weerar jihaadi ah lagu dilay ciidamo katirsan soo duulayaasha Faransiiska.