Sarkaal iyo ciidamo Dharcad ah oo lagu dilay xaafado Muqdisho katirsan.

Monday January 04, 2021 - 07:40:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal iyo ciidamo Dharcad ah oo lagu dilay xaafado Muqdisho katirsan.

    Rag hubaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay dilal qorshaysan ka geystay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay dilal qorshaysan ka geystay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubaysan ayaa shalay agagaarka biya degeenka Xareed ee Suuqa Bakaaraha ku dilay illaa 2 askari oo katirsanaa ciidamada Sirdoonka dowladda Federaalka ee Dharcadka loo yaqaan.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubaysan ay dileen laba askari oo lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil C/qaadir iyo Zakariya Cabdi Nuur oo labaduba ahaa Dharcad Jawaasiis ah.


Dhinaca kale weerar qorshaysan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ayaa lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska qeybta Canshuuraha ee Minishiibiyada loo yaqaan.

Sarkaalka ladilay oo lagu magacaabi jiray Cali Caddaani ayaa caan ka ahaa Suuq Bacaad wuxuuna lacagaha Canshuuraha loo yaqaan ka guri jiray goobaha ganacsiga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items