Mucaaradka Jamhuuriyadda Afrika dhexe oo la wareegay magaalo muhiim ah.

Tuesday January 05, 2021 - 08:37:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Jamhuuriyadda Afrika dhexe oo la wareegay magaalo muhiim ah.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay qeybo badan oo katirsan wadanka Afrikada dhexe oo kamid ah dalalka dhaca bartamaha qaaradda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay qeybo badan oo katirsan wadanka Afrikada dhexe oo kamid ah dalalka dhaca bartamaha qaaradda.


Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Central Afrika ayaa xaqiijinaya in kooxaha mucaaradka ay dagaal culus kadib lawareegeen gacan ku haynta magaalada Bangassou.

Taliye katirsan ciidamada waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa wakaaladaha wararka u xaqiijiyay in ciidamada Fallaagada ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Bangassou ayna isku fidiyeen dhammaan xarumaha maamulka.


Nin lagu magacaabo Ismaaciil oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in meel walba oo magaalada kamid ah ay ku suganyihiin dagaalyahanno hubaysan oo katirsan Isbahaysiga mucaaradka.

Magaaladan ay la wareegeen kooxaha fallaagada ayaa ku dhow xuduudda Afrikada dhexe ay la wadaagto dalka Koongada Dimuquraadiga ah, Bangassou ayaa magaalada caasimadda ah ee Bangi ujirtay qiyaastii 750km waxayna tallaabadan imaanaysaa waqti aan wali lagu dhawaaqin naday doorashooyinkii madaxtinimo ee dhacay 27 December 2020.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items