Carona oo dhimashadii ugu badneed maalin qura ka geystay dalka Mareykanka.

Wednesday January 06, 2021 - 13:24:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carona oo dhimashadii ugu badneed maalin qura ka geystay dalka Mareykanka.

    Xarumo caafimaad oo kuyaal dalka Mareykanka ayaa shalay diiwaan geliyay dhimashada kumanaan kun oo ruux kuwaas oo uu gallaaftay caabuqa halista ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarumo caafimaad oo kuyaal dalka Mareykanka ayaa shalay diiwaan geliyay dhimashada kumanaan kun oo ruux kuwaas oo uu gallaaftay caabuqa halista ah ee Carona Virus.


Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shalay oo kaliya Carona uu dilay dad gaaraya 3930 ruux halka uu soo ritay boqolaal kun oo kale.

Jaamacadda Johns Hopkins ayaa sheegtay in dad ka badan 131 kun oo ruux shalay ladhigay xarumaha caafimaadka iyadoo xaaladooda caafimaadna ay aad uliidato.


Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Carona uu shalay geystay dhimashadii ugu badneed, Lix maalmood ka hor ayuu Carona dilay dad gaaraya 3920 ruux balse tiradii shalay ayaa tira 10 ruux ah ka badneed dhimashadii hore.

Tirada guud ee Carona ugu dhimatay dalka Mareykanka ayaa kor udhaaftay 357 kun oo ruux halka uu soo ritay dad ka badan 21 malyan oo ruux,
Mareykanka ayaa ah dalka koowaad ee caalami ahaan ay dadkiisu la dhibanyihiin Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items