4 Qof American ah oo ku dhintay Rabshadihii ka dhacay Xarunta golaha Koongareeska Mareykanka.

Thursday January 07, 2021 - 07:06:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    4 Qof American ah oo ku dhintay Rabshadihii ka dhacay Xarunta golaha Koongareeska Mareykanka.

    Xaalad jiha wareer ah ayaa ka taagan wadanka Mareykanka kadib markii ay taageerayaasha madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ay ku dhaqaaqeen dibad baxyo rabshado wata.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad jiha wareer ah ayaa ka taagan wadanka Mareykanka kadib markii ay taageerayaasha madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo ay ku dhaqaaqeen dibad baxyo rabshado wata.


Wararka ka imaanaya magaalada Washington ayaa sheegaya in dad caraysan ay xoog ku galeen dhismaha golaha Koongareeska Mareykanka ee loo yaqaan Capitol .

Kumanaan qof oo Trump taageersan ayaa qabsaday dhismaha waxayna burburiyeen kuraastii ay ku shaqeynayeen mas'uuliyiinta ugu sarraysa golaha xilli ladoonayay in la ansixiyo madaxweynanimada Joe Biden.


Boqolaal katirsan ciidamada FBI-da ayaa gudaha ugalay dhismaha Capitol si ay usoo badbaadiyaan xildhibaannada Koongareeska ee weerarka kala kulmay taageerayaasha Trump.

Warbaahinta maxalliga ah waxay sheegtay in ugu yaraan Afar ruux ay dhinteen kadib markii ay rasaas ka dhacday gudaha xarunta Capitol ee magaalada Washington.

Taageerayaasha Trump oo qeylinaya ayaa lagu arkayaa afaafka hore ee dhismayaasha dowladda, Joe Biden ayaa hadal uu jeediyay ku dhaleeceeyay falka ay ku dhaqaaqeen taageerayaasha Trump.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items