Carona oo dad ka badan kun ruux ku dilay Wadanka Ingiriiska.

Thursday January 07, 2021 - 08:51:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 1
  • Share via Social Media

    Carona oo dad ka badan kun ruux ku dilay Wadanka Ingiriiska.

    Caabuqa Carona Virus ayaa markale dhimasho badan ka geystay dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka qaaradda Yurub ee sida aadka ah ula dhiban cudurkan safmarka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Axmed Cabdinuur ayaa kamid ahaa dadkii Covid19 ugu dhintay dalka UK
Caabuqa Carona Virus ayaa markale dhimasho badan ka geystay dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka qaaradda Yurub ee sida aadka ah ula dhiban cudurkan safmarka ah.


Dadka Carona ugu dhintay dalka Ingiriiska waxaa kamid ah Wariye Axmed Cabdinuur oo kamid ahaa wariyaasha caanka ah ee ka howlgeli jiray Idaacadda BBC-da.

Xaaska Wariyaha oo qudheedu la xanuunsan Covid19 ayaa sheegtay in Seygeedu uu Carona udhintay.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Ingiriiska ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dad ka badan 10000 ruux ay shalay oo kaliya ay Carona ugu dhinteen daafaha wadankaasi.


Wararku waxay sheegayaan in dadka Carona udhintay ay gaarayaan 1041 ruux halka uu soo ritay ku dhowaad 77 kun oo ruux.

Waa dhimashadii ugu badneed ee Carona uu maalin qura ka geysto dalka Ingiriiska tan iyo bishii April ee lasoo dhaafay oo dhimashada maalinlaha ay ka sare maraysay kun.

Ingiriiska ayaa safka hore uga jira dalalka ay dadkiisu Carona ladhibanyihiin wuxuuna cudurku ku dilay dad ka badan 76 kun oo ruux.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items