Golaha Koongareeska Mareykanka ayaa dib ula wareegay xaruntoodi shalay laqabsaday waxayna cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen guushii Joe Biden iyo Kamala Haris ay ka gaareen doorashooyinka.
Labada gole ee Koongareeska ayaa saxiixay in Joe Biden uu noqday madaxweynaha
rasmiga ah ee Afarta sano ee soo socota wadanka maamuli doono kadib markii uu
306 cod ka helay guddiyada doorashooyinka gobollada ee loo yaqaan Electrol Collage halka Trump uu helay 232 cod.
Tani ayaa soo gaba gabaynaysa murunkii doorashooyinka ka taagnaa, saacado kadib
markii la ansixiyay madaxtinimada Biden waxaa ogolaaday Mike Pence madaxweyne ku xigeenka maamulka
Trump oo shaaciyay in uu aqoonsanyahay go'aanka kasoo baxay golaha
koongareeska.
Donald Trump ayaa isna qirtay guuldarradiisa farriin uu soo dhigay ciwaan uu
leeyahay mid kamida lataliyaashiisa ayuu ku sheegay in uu xukunka si nabad
gelya ah ku wareejin doono marka lagaaro 20-ka bishan janaayo oo ay ka
harsantahay 13 maalmood oo kaliya.
isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "waxaan balanqaadayaa in xil
wareejintu ay si nabad gelya ah udhici doonto 20-ka Janaayo".
inkastoo dhawaqaas uu kasoo yeeray Trump hadane laguma kalsoonaan karo taas oo
keentay in sare loosii qaado xaaladda feejignaanta si looga baaqsado rabshado
lamid ah kuwii shalay dhacay.
iyadii sidaas ay tahay oo xisbiga Jamhuuriga guuldarro dhabarka loo saariyay
ayay hadane kooxaha dimuquraadiyiintu majaraha uqabteen labada gole ee
Koongareeska, xisbiga Biden oo horay uhayay hoggaanka baarlamaanka ayaa shalay
lawareegay aqlabiyadda golaha Senate-ka kadib markii doorasho ku celis aheyd oo
gobolka Joorjiya ka dhacday ay ku guulaysteen laba senatar oo xisbiga dimuquraadiga
katirsan.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Golaha Congress-ka Mareykanka oo Ansixiyay in Joe Biden uu yahay madaxweynaha rasmiga ah.
Golaha Koongareeska Mareykanka ayaa dib ula wareegay xaruntoodi shalay laqabsaday waxayna cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen guushii Joe Biden iyo Kamala Haris ay ka gaareen doorashooyinka.